Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamada Alshabaab oo Baardheere Gaarey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 13 2008
Ciidamada Alshabaab oo Baardheere Gaarey
Written by Ali Moallim   
Sunday, 13 July 2008

Muuqaalka Ciiadama Al ShabaabBardheere,(insidesomalia.org)- Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii labaad waxaa shalay gaaray Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaasi oo horay u booqday Degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Xoogagga Al-Shabaab ee gaaray Degmada Baardheere ay halkaas u tageen in ay la kulmaan dadka degmadaas iyo nawaaxigeeda ku dhaqan, isla markaana ay ku wacyigeliyaan dadka in ay ku dhaqaan Shareecada Islaamka.

Cabdiraxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay Mas’uuliyiinta Hoggaamineysa Xoogagga Al-Shabaab ay kulamo la qaadan doonaan Dadka ku dhaqan Degmada Baardheere, gaar ahaan, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Odayaasha iyo Waxgaradka, isagoo sheegay in ay labada dhinac ka wada hadli doonaan sugidda ammaanka iyo weliba xaaladda abaaraha Gobolka Gedo.

Intaas kadib Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa waxaa uu baaq u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in ay shareecada Islaamka ku dhaqmaan, isla markaana ay iska iloobaan sida uu u yiri ku dhaqanka nidaamka Goboleysiga iyo weliba wax kasta oo aan Shareecada Islaamka ahayn, “Dadka wax ay isugu imaan karaan oo ay ku heshiin karaan waa Shareecada Islaamka ee iyada haku dhaqmeen, markaas ayayna Allaah ka helayaan naxariis iyo barwaaqo”ayuu yiri Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Ugu dambeyntiina, Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaanahan waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Jubadda Dhexe, halkaasi oo meelihii ay ka booqdeen ay kula hadleen Dad badan oo ay kula kulmeen.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >